Guddoomiyaha Aqalka Sare oo soo dhaweeyay go’aanka Rooble, Qoorqoor iyo Guudlaawe (Akhriso)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay war-murtiyeedka ay soo saareen Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay ku diideen muddo kororsigii sharci darada ahaa Dastuurka Dalkana baal marsanaa.

Sidoo kale Guddoomiyahu wuxuu soo dhaweynayaa War-qoraalka Xafiiska RW Mohamed Hussein Rooble ee ah in Dalka Doorasho loo jiheeyo

Guddooniyahu wuxuu u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay, waxa uuna ku boorinayaa dhammaan masuuliyiinta in ay qaataan doorkooda masuuliyadeed si dalka loogu jiheeyo doorasho wadar-ogol ah oo ku dhacda jawi nabdoon.