Midowga Musharixiinta oo dalbaday in Ciidanka AMISOM laga qaado Villa Somalia

Midowga Musharixiinta ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in Madaxtooyadda Villa Somalia laga qaado Ciidanka AMISOM, si ay isaga difaacaan weerarada joogtada ah ee uga imaanaya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Midowga Musharixiinta oo kulan aalada ZOOM ah la yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka ee ku sugan Xalane, ayaa sheegay in aysan macquul aheyn in Farmaajo uu ku hayo duulaano joogta Musharixiinta oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed iyo Hassan Sheikh Mohamud, taas bedelkeedana amaankiisa ay isaga sugayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Musharixiinta ayaa ka dalbaday Wakiillada Beesha Caalamka in laga wareejiyo Madaxtooyada Villa Somalia AMISOM, si ay si dhab ah isu arkaan Farmaajo, maadama aysan la dagaalami karin Ciidanka AMISOM oo gurmad u soo fidiyay walaalaha Soomaaliyeed, si ay uga dulqaadaan Argagixisada.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa u sheegay Musharixiinta inay ka war sugayaan Ergayga Midowga Afrika u soo magacaabay xalinta khilaafaadka Soomaalida, waxaana inta ka horeysa ay ka dalbadeen in la xoojiyo Nabadgalyada, si looga baaqsado burbur dalku dib ugu laabto.