VIDEO: Nuxurka khudbadda Farmaajo iyo waxyaabaha uu diirada saaray

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo khudbad ka dhex jeedinayay Villa Somalia ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go’aanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kaas oo ay uga horyamaadeen muddo kordhinta loo sameeyay.

Farmaajo ayaa ku eedeeyay mucaaradka iyo dalal shisheeye oo uusan magac dhabin inay hortaagan yihiin Doorashada dalka, ayna sabab u yihiin barakicii ka socday Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay.

Farmaajo ayaa sheegay inuu dib ugu laabanayo sabtida Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, si meesha looga saaro muddo kordhinta loo sameeyay, dalkana loogu Heshiiskii doorasho ee 17-kii September.

“Waxaan maalinta sabtida hortagi doonaa Golaha Shacabka, si aan dib ugu soo celino dalka hannaankii doorashada ay wada gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada”.

Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS inay dib ugu soo laabtaan miiska Wada-hadalka si loo dhameystiro Heshiiskii doorasho ee 17-kii September.

“Waxaan ugu baaqayaa saxiixayaasha heshiiskii 17 September in shir la isugu yimaado, si looga wada hadlo hirgelinta iyo saxiixa heshiiska, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xireyn”.

Idil Television