C/rixmaan C/shakuur oo sheegay in Farmaajo uu shirqool u maleegayo Rooble

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga falceliyay hadalkii xalay uu jeediyay Madaxweynaha xilligisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku eedeeyay Farmaajo inuu maleegayo shirqool cusub oo uusan carabaabin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu si dhaqso ah u gudo galo howlaha shirka doorashooyinka uuna ciidanka kala qeybsan midooyo.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u qornaa sidan;

Farmaajo xalay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo ayaa dhaaftay. Hadalkiisu micno yari, aflagaaddo iyo ixtiraam la’aan ayuu isugu jiray. Waa nin shirqool horleh la soo maleegaya Mursal iyo 54-tii xildhibaan ee muddo kordhinta xaaraanta ah kala shaqeysay.

Waa kala goyskii isaga iyo Mursal ay Kheyre ku shirqooleen. Xilliga iyo xaalkuba waa kala beddelan yahay, laakiin waallida kalitalisnimo ee Farmaajo mid dhaqanta maaha. Waxaan uga digaynaa 54ta xildhibaan ee Sabtiga la balamiyey in aysan fidno kale ka sii shaqaynin.

Rooble waa in uu tillaabada la hormaraa oo uu hoggaanka qaataa, casuumadda shirka fidiyaa, oo uu saamileyda ballaariyaa, ciidanka kala qaybsanna isku soo celiyaa, amniga dalka iyo doorashooyinka la wareegaa, dawlad Goboleedyada garabka ku qabtaa, taageerada beesha caalamka kasbadaa. Go’aan sax oo aan xilligiisa laga daahin ayaa laga rabaa.