Faallo: Maxay ka dhigneyd khudbadii Farmaajo ee xalay ?

Khudbad lama oran karo ee waa fariin gaaban oo qaadatay in lasoo daayo 7-saac markii la duubay kadib.

Waxuu isku dayayaa in uu ra’yi caamka Somalida khaldo oo waxii ay indhahooda ku arkayeen ka tirtiro una shido ruwaayad ay uba jeedaan in ay tahay huuhaa.

Beesha caalamka oo cadaadis aad uxoog badan uu kala kulmayay waxuu isku dayayaa in uu iska dajiyo oo isku muujiyo Nin tanaasulay wada xaajoodna ogol aqbalayna baaqoodii.

Gudaha Dalka cadaadiskii gaaray gacan ka hadalka waxuu isku dayayaa in uu iska khafiifiyo oo ugu yaraan Madaxtooyada sii seexdo maalmo kale.

Taageerayaashiisa maalmahan aadka uniyad xumaaday in badan oo ka mid ahna ay kala carareen waxuu udirayaa baaq ah weli waa nool nahay ciyaarteenii yaan lakala dhamaana waa sii wadi karnaa.

Fariinta Farmaajo Somalida iyo Beesha caalamku waa filayeen in aysan wax cusub soo kordhinayn,balse cida kaliya ee uu bahdilay markale waa Rooble iyo labada Maamul.

Isaga waxaa uwanaagsanayd in uu iscasilo balse Raga la loolamaya waxaa ufiican siyaasiyan sida uu hada udhaqmay.

Hogaamiye kooxeedka soo daahay wax macno leh kuma soo kordhin xaalka dalka ee cakiran fariintiisuna uma qalanto masiirka Umada ee nasiibku uu gacanta ugaliyay.

Xaqiiqdii markii dareenka rasmiga ah la turjumo fariintiisana la qiimeeyo,waxaa kusoo baxaya ilduufkii dhacay 2016 iyo shaqsiga uu masiirkii Dalka gacanta ugalay.

Fariin kasoo baxday Qof laga sugayay badbaadinta Dal Somaliya oo kala ah aadbay uga hoosaysaa.

Cadaadiskii dalka lagu badbaadinayay waa in uu sidiisii usii taagnaadaa,maadaama uusan waxba soo kordhin Farmaajo sidii la filayay.

Jibril Qoobey.