Golaha Shacabka oo kulan deg deg ah la isugu yeeray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ayaa iclaamiyay fadhi gaar ah oo aan caadi aheyn oo maalinta Sabtida oo ku beegan 1 May 2021 uu ku hortagayo Golaha Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaannada dalka dibadiisa ku sugan iyo kuwa gobolada dalka ku maqan ayaa la faray inay si degdeg u soo galaan Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhiga aan caadiga aheyn.