XOG: Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka socda Villa Somalia

Ilo xog ogaal ah uu ku dhow Guddoonka Baarlamanaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in kulanka deg-degga ah ee uu Guddoomiyaha muddo xileedkiisu dhamaaday ugu yeeray xildhibaannada maalinta Sabtida ah la qorsheynayo in xilka looga qaado Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guuxa arrintan ku saabsan aya saacadihii la soo dhaafay aad u soo baxayay, kaddib markii xog laga helay Xildhibaanada qaar ay isla wadaageen in maalinta Sabtida ay la gedin doonaan Rooble, si mowjad cusub uu dalku u galo.

Baarlamaanka ayaa Rooble ku eedeyn doona in uu ku fashilmay diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, waana isla eeddii xilka looga tuuray Xasan Cali Khayre.