Rooble “Waxaan ugu baaqayaa shacabka barakacay inay guryahooda kusoo laabtaan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa ugu baaqay Shacabka ku barakacay dagaaladii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho inay guryahooda kusoo laabtaan.

Sidoo kale, Rooble ayaa Ciidanka ka dalbaday inay Shacabka u fududeeyaan inay guryahooda dib ugu laabtaan, ganacsiyadoodana ay furtaan, waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay nabad iyo xasilooni.

“Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan. Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni.”