Booliska Puntland oo lagu amray xoojinta Amniga magaalada Boosaaso (Sawirro)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud G/Sare Xuseen ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka amniga Gobolka kaas oo lagu qabtay Xafiska Taliyaha Qeybta.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaasha Saldhigyada Kala duwan iyo Khuburada Dhinaca Amniga ah Waxaana Diirada Lagu saaray Xoojinta Amniga Gobalka.

kulankaan ayaa la iska wareystay Xaaladda amniga iyadoo Taliyahasha ay soo bandhigeen qorshayaasha amniga iyo dardargalinta waxana dhamaan La Faray in ay fajiignaan Xoogan ay muujiyaan sidii ay u sugi lahayeeen Amaanka.

Taliye Xuseen ayaa Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ka dalbaday in la daradar geliyo howlaha sugida amniga ee Gobolka Bari isagoona Faray Saraakiisha in ay Bulshada ku xirnadaan iyagoo shacabkooda U Turaaya Kana Ilaalinaaya Dhibaato ay u geestaan inta ay ku jiraan Howlgalka.