FAALLO: TOLOW MAXAA DHICI LAHAA HADII AAN LAGA HOR IMAN LAHAYN DAMACA FARMAJO ?

ODHAAHDA MAANTA

TOLOW MAXAA DHICI LAHAA HADII AAN LAGA HOR IMAN LAHAYN DAMACA FARMAJO?

Digniin: hadaad tahay Caruurta Baraha Bulshada (CBB) – N&N ha isku akhriyin maqaalka. Dhiig kar ayuu kugu keeni kar!

Xili korodhsiga MW Farmajo isku dayey waxa uu noqon la ahaa tawrad aan dhiig ku daadan sida tawradii bilaa dhiiga dhacday ee1969 (bloodless coup d’e’tat). Kaliya waxay ku kala duwanaan lahaayey in uu kan farmajo noqon lahaa afgambi aanu milatari horumood ka ahayn.

Waxa se uu abuuri kari lahaa waxa ay Rosenberg iyo Jackson ku sharaxeen buugooda caanka ah “autocratic rule” ama maamul kaligii talis ah. Buugaasi oo aad muxtarim ka aha barashada culuunta siyaasiga ah ee Afrika, oo la yidhaa “Personal Rule in Black Africa,” ama “Kaligii Talisnimada Afrikada Madow,” waxa la qorey 1980hii xili Afrika la tacaalaysay nidaamkaasi isaga ah.

Dadka arimaha Soomaaliya daneeyaa wey ku kala duwanaan karaan qiimaynta xeeladaha lagaga horyimid damaca MW Farmajo.

Qaar waxay odhan karaan murashixiintu MW Farmaajo wey u tol sheegteen. Waayo, ayey odhan karaan, waxa ragaasi isku halaynayeen saldhigooda ah Muqdisho. Waxay mudo gaaban isku keeneen xoog cabin kara awooda uu MW Farmajo baryahaaba urursanaayey.

Doodaas dhawr arimood ayaa burin kara: (1) taageerayaasha Farmajo oy ka mid yihiin RW Rooble, MW Qorqor, MW Guudlawe, GM Filish iyo kuwo kale oo badan iyaba saldhigooda ayey Muqdisho u arkaan, waxaanay nafta u bixin rabeen MW Farmajo.

Dhinaca kale, waxa Murashixiinta la safnaa MW Deni iyo MW Axmed Madoobe oon iyaku sal ku lahayn Muqdisho, laakiin sida Qorqor iyo Guudlaawe danley ama stakeholders ah. Gudoomiyi Cabdi Xaashi iyo Afhayeen Mursalna labada dhina ayey iyana kala raaceen. Bi macni, xulifaysoo mabda’ ku qotoma ayaa la isku raacay.

Murtiduse waxay tahay Murashixiinta Muqdishu (Xassan Sheikh, Sherif Axmed, Cabdiraxman Cabdi Shakuur iyo inta kale ee ka qayb qaadatay ka hor imaatinka MW Farmajo iyo xili koradhsiguusu, Soomaali way badbaadiyeen. Murashixiintu iyo saaxiibadood waxay Soomaaliya ka badbaadiyeen AFGAMBI iyo KALIGII TALISNIMO ama AUTOCRATIC RULE. Taariikhdaaana sidaasi u xusi doonta.

Soomaalidu sideedaba waa “republicans” ama dad aad u kani adag marka laga fiiriyo xaga xukunka – waxa kaliya ee Soomaali lagu xukumi karaa cadaalad, sinaan iyo in ay xukuumada awooda markaas haysa ogolaansho ka haysato shacabka. Xoog lagu ma xukumi karo. Dhimasho iyo burbur ayey door bidaan hadii la jujuubo.

Dib ugu noqo taariidhdeena: 1960-1969 waa la is jiidjiiddan jiray, laakiin dagaalo kama qarxi jirin. Hase yeeshee. 1969-1990, kaligii talisnimo waxay keentay amase ay Soomaali u geysatay halkan lagagama sheekayn karo.

Sidaas darted, siyaasiyiintu waa in ay dhawraan axdiga (constitutionka), nabada, xal u raadinta arimaha cakiranee dhinaca siyaasada ah (conflict resolution) iyo tixgalinta taariikhaha la soo maray.

Hadaan maanta laga hortagi lahayn kaligii talisnimada uu MW Farmajo rabay, burbur iyo 30 ilaa 40 sano oo kale oo cabudhin dhinaca siyaasada iyo xaquuqal iinsaanka ayaa la dhaxli lahaa.

Waa Billahi Towfiiq

W/Q: Aqoonyahan Feysal Rooble