Fiqi “Taladii dalku waxay la mid noqotay miino gacanta ugu jirta cunug yar oo kale”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa weerar afka ah ku qaaday Farmaajo, isagoo ku tilmaamay inuu u dhaqmayo sida cunug yar oo bumbo garaacaya.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Wasiir Fiqi.

Taladii dalku waxay la mid noqotay miino gacanta ugu jirta cunug yar oo kale, kaasoo si joogto ah ugu cayaaraya, Marka uu doonana korkeeda garaacaya.

Cunuga yari aqoontiisa iyo caqligiisuba ma siinayaan in uu garto waxa uu ku cayaarayo ama garaacayo in ay naftiisa iyo inta ka ag-dhowba ay galaafanayso.

Qarniga 21aad, dal 30 sano dagaallo ku jiray, dawladnimadiisu ay kabkab tahay, nidaamkiisa siyaasadda lagu qeybsado qabiil iyo 4.5, ninka leh taladii ayaan xoogayaa, wixii iga horyimaadana waa xasuuqayaa waxba kama duwana cunugaas yar ee halista gacmaha ugu jirta aan ka war-hayn.

Talada doorashada iyo teendhadii Afisyoone sideedii hore looguma noqon karo, hogaanka shirkaas waa in uu qabtaa cid aan doorashada dan gaar ka lahayn, musharixiintuna masaafo is le’eg ay u jirsadaan!.