Sheekh Shariif oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kulana la leh Midowga Musharixiinta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo todobaadyo ka maqnaa dalka ayaa goor dhow ka soo degey garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno kamid ah Xisbiga Hilimo Qaran iyo mas’uuliyiin kale.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si toos ah u abaaray degmada Cabdulcasiis gaar ahaan deegaanka Mirinaayada loo yaqaan halkaas oo oo uu kulamo kula leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan Mucaaradka, waxaana imaanshihiisu uu kusoo aadaya xilli dalka uu ku jiro xaalad siyaasadeed, isla markaana magaalada Muqdisho laga dareemayo isbedel.