Sheekh Shariif “Xalka waa in uu noqdaa mid siyaasi ah oo meesha ay hadda ay joogto aysan dhaafin” (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Dalka ahna Gudoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay magaaladda Muqdisho ay ka dhalatay go’aankii golaha shacabka 12 April ay mudo kordhinta uga sameeyeen madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xilligaan oo lagu jiro Bil Ramadaan  Magaalada muqdisho uu ka dhaco dagaal uu dhiig ku daato oo laga barakaco xilligaan adag.

Sidoo kale waxaa u sheegay in waxyaabaha la isku haayo ay tahay arrin siyaasadeed, taas bedelkeedana ay muhiim tahay in la helo xal siyaasadeed iyo hab nabadeed oo lagu heshiiyo, isaga oo u mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta oo wada dadaalo xal looga gaarayo dagaalkii dhacay.

“ Xalka waa in uu noqdaa mid siyaasi ah oo meesha ay hadda ay joogto aysan dhaafin, waxaana dalbanayaa in laga shaqeeyo nabada iyo in doorasho la aado si loo kala badbaado ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay Xildhibaannada Golaha Shacabka In ay mas’uul ka yihiin dhibaatadii gacan ka hadalka aheyd ee ka dhacday Muqdisho oo uu sheegay in ay sabab u ahaayeen, xilligaana dalka uusan xamili Karin muddo kororsi.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu u mahad celiyay Beesha Caalamka oo malmihii la soo dhaafay waday dadaalo ku aadan in hoggamiyeyaasha Soomalida ay ka heshiiyaan khilaafka doorashada.