Faallo: Maxaa ka dhalan kara haduu Farmaajo isku dayo inuu tuuro Ra’iisul Wasaare Rooble ?

Inkastoo aan la aamini karin qof ushaqeeyay kooxda Fahad Yaasiin oo si gunimo ah ayay ubahdilaan Dadka farana uga qabtaan hadana Rooble fursad siyaasadeed,ayuu haystaa oo ay tahay in uu ka faa’idaysto dalkana ku badbaadiyo.

Laba fursadood,ayaa taagan oo hogaamiye kooxeedka lagu soo afjari karo..

1.In adeegsiga awooda Ciidan lasii wado

2.In Rooble wax badbaadsho.

Farmaajo haduu beri Rooble dhankiisa eego waa gabagabada ila meeraysadiisa,waxaana ku filan Rooble oo 3-talaabo kaga jawaaba waxa kasoo baxa Baarlamaanka wakhtigiisu idlaaday…

1.In uu iska diido hadii Mooshin lagu socod siiyo.

2.In uu ku dhawaaqo Shir Doorasho.

3.In uu hogaaminta amniga la wareego si toos ah.

Haduu isku dayo hogaamiye kooxeedku in uu awood u isticmaalo markaas waxay soo deg-degaya fursadii lagu soo afjari lahaa.

Hogaamiye kooxeedka waxa kaliya ee uu bil kusii wadi karo ila meeraysadiisa waa isagoo Rooble uu lasii jaal ahaado.

Rooble waxaa lagu tilmaamaa Nin aan Shar iyo Khayr midna lahayn oo Mucaarad iyo Xukuumadba aan waxba yeelayn waxna kusoo kordhinayn,waana waxii uu markii horeba Farmaajo ku aqbalay magacaabistiisa.

Jibril Qoobey.