Kenya oo ka laabatay xiritaanka xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u dhigtey xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma illaa dhamaadka bisha Juun ee sanadka 2022-ka.

Qorshahan cusub ayay dowlada Kenya u gudbisay Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa mar sii horreysay sheegtay in ay doonayso in aan si qasab ah dib loogu celin qaxootigan.

Hay’addu waxay sidoo kale dooneysaa in la siiyo habab kale oo ay ku joogi karaan qaxootiga ka socda Bariga Afrika Community (EAC).

Dhawaan ayaa maxkamada sare ee Kenya amartay in la laalo amarka dowlada ee ah in la xiro xeryaha. 23-kii Maarso, Kenya waxay u sheegtay UNHCR inay ku dhawaaqdo qorshe ku saabsan xiritaanka xerada qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma laba toddobaad gudahood.

Hase yeeshee Hay’adda waxay sheegtay inaysan jirin wax caddeyn ah oo ku saabsan khatarta amni ee sii kordheysa ee ka imaanaysa xeryaha Abriil 2021.