New York Times oo shaaciyay sababta Farmaajo isaga celiyay Baasaboorka Mareykanka

Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaliya isagoo kashifay sababta rasmiga ah ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isaga dhiibay Baasaboorka Maraykanka.

New York Times ayaa waxa uu ku macneyay sababta rasmiga ah ee uu Farmaajo u diiday inuu sii haysto dhalashada Maraykanka inay salka ku hayso baaritaano lagu bilaabay dhaqaalahiisa.

“Markii Farmaajo uu iska dhiibay baasaboorka Mareykanka, waxaa jiray baaritaan ay Waaxda Dakhli Uruurinta Mareykanka ee Internal Revenue Service (IRS) ku haysay maaliyaddiisa sida ay sheegeen saddex sarkaal oo reer galbeed ah oo arrintan xog ogaal u ah, kuwaas oo codsaday inaan la magacaabin,” ayaa lagu yiri warbixinta New York Times.

Hay’adda IRS ayaa awood u leh inay baarto lacagaha iyo dhaqaalaha muwaadin walba oo Mareykanka ah marka lagu tuhmo qaladaad, meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

“Sidaas awgeed Farmaajo waxaa uga tanaasulaya dhalashadiisa Mareykanka, Farmaajo si uu ugaga baxsado baaritaanka IRS.”ayaa wargeysku sii raaciyay qoraalkisa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa 1-dii August 2019 ka tanaasulsay muwaadannimadiisa Mareykanka, isaga oo aan shaacin wax sabab ah.

Wargeyska New York Times ayaa sidoo kale qoray in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu haysto dhalashada wadanka Canada maadaama uu muddo dalkasi ku noolaa.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ayaa la tuhunsan yahay inuu weli haysto dhalashada dalka Canada,waxaana haatan saaran cadaadis xoog leh oo ugaga imanaya gudaha dalk aiyo dibadiisaba.