Puntland oo tababar siisay Beeraleyda degmada Eyl (Sawirro)

Wasaaradda Deegaanka, beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’ada ACF iyo Mashruuca “SomReP” ayaa beeralayda degmada Eyl ee gobolka Nugaal usoo gabagabaysay tababaro mudo u soconayey beeralayda degmadaas kuwaas oo isugu jiray qaybaha kaladuwan ee beerashada wanaagsan iyo habka suuqgeynta dalagyada.

Tababaradaan oo mudo sanad ah soconayey waxaa ka faa’iidaystay in kabadan Labo-boqol oo beeralay ah waxaana tababaradaan sidoo kale garab socday taageero dhanka farsamada iyo qalabka ah oo la siinayey beeralayda, sidoo kale waxaa degmada Eyl laga hirgaliyey labo iskuul oo beerlaydu si joogto ah wax ugu baran doonto iyo iskaashatooyin beeraha iyo suuqgaynta ah.

Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo Hormarinta siyaasadaha ee wasaaradda Deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada Liibaan Maxamed Faarax oo tababaradaan mudada soconayey soo xiray ayaa kula dardaarmay in beeralayda degmada Eyl looga baahanyahay in ay tababaradii lasiinayey ka faa’iidaystaan islamarkaasna isbedel dhanwalba ah la yimaadaan isagoo intaas kudaray in wasaaraddu ay sii joogtayn doonto garab istaaga beerlayda guud ahaan gobolada kaladuwan ee Puntland.