Axmed Madoobe oo fariin u diray Ciidanka iyo shaqaalaha ku howlan COVID-19

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa munaasabada 1-da May oo ah maalinta Shaqaalaha adduunka, waxaa uu ugu hambalyeeyay shaqaalaha Jubaland .

“ Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed si gaar ahna shaqaalaha Jubaland oo mar walba u taagan shaqooyinka loo igmaday taas oo muhiim u ah adeegyada kala duwan ee Bulshada ay u hayaan” Ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray shaqaalaha heeganka ah si gaar ah Ciidamada ku sugan jiida hore iyo dhakhatiirta dagaalka adag kula jira caabuqa COVID-19 kuwaas oo naftooda u huraya sidii ay u badbaadin lahayeen Shacabka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in kor loo qaado tayada iyo tirada shaqaalaha kala duwan iyadoo diirada la saarayo baahiyaha jira isla markana la joogtaynayo kor u qaadista xirfadahooda si shaqooyinka ay hayaan ay u noqdaan kuwo waxtar leh.