Golaha Shacabka oo ka laabtay muddo kordhintii Farmaajo

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ayaa ka laabtay muddo kororsigii labada sano, iyagoo dib u soo celiyay heshiiskii 17 September ee doorashada dad-ban.

140 Xildhibaan ayaa u codeysay, halka wax diiday ama ka aamusay aanay jirin, sida Guddoonka uu ku dhawaaqay.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii Golaha waqtigiisu dhamaaday uu hortagay Farmaajo oo looga awood roonaaday Muqdisho, kaddib markii Ciidanka taageersan laga qabsaday inta badan Isgoysyada iyo degmooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. sidoo kalena lagu dhawaaday madaxtooyadda Villa Soomaaliya oo si sharci darro ah uu haatan u degan yahay.