Jubbaland “Ma ka qeybgalayno shir uu Farmaajo iclaamiyay”

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcada ee BBC-da ayaa caddeeyay in dhankooda aysan qorshaha ugu jirin ka qeyb galidda shirka lagu baaqayo.

“Maya, kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado.”ayuu yirri Wasiir Cabdi Xuseen.

Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa isasoo taraya baaqyada ku aaddan in xal laga gaaro hirgalinta doorashada Soomaaliya, meeshana laga saaro muddo kordhinta loo sameeyay xukuumadda.

Puntland ayaa dhawaan shuruud ku xirtay ka qeyb galka shirka, kaddib markii Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde uu sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta laga helayo cid saddexaad oo shirka damaanad qaade ka noqoto.