Mareykanka iyo EU oo soo dhoweeyay ka laabashada muddo kordhinta Farmaajo

Safaaradda Mareykanka ayaa soo dhoweysay tallaabada Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka uga laabteen muddo kororsiga, sidoo kale waxay soo dhoweeyeen doorka Ra’iisul Wasaaraha ka qaadanayo hirgelinta doorashada in sida ugu dhaqsiyaha badan lagy qabto.

Dhanka kale, Wakiilka Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Shacabka ee ka laabashadii muddo kordhinta iyo ku dhawaaqida Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in hadda aanay wax shuruud ah, qas iyo fowdo aanay dhicin.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu ku tiirsanaado taageerada wax ku oolka ah ee dhammaan madaxweynayaasha FMS iyo saamileyda siyaasadeed ee geeddi-socodka ay Soomaalidu hoggaamineyso