Muxuu Farmaajo ka hor sheegi doonaa Golaha Shacabka waqtigiisu dhamaaday ?

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa maanta hortagaya Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, kaddib markii looga adkaaday damaciisii ku aadanaa muddo kororsiga ee Golahan dhacay u sameeyeen.

Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu khudbadiisa diirada ku saaro eedeynta Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Midowga musharixiinta, sidii looga bartay, wallow ay jiraan tuhuno la xariira inuu doonayo in kulankaas uu isku bedelo mid lagu tuurayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Midowga Musharaxiinta oo qoraal soo saaray xalay ayaa uga digay guddoonka Golaha shacabka ee muddo xileedkiisa dhamaaday inay qaadaan tallaabooyin lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka sidii dhacday 12 April iyaga iyo tiro Xildhibaano ay u qaateen go’aan sharci darro ah oo dalka u horseeday qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, sidoo kalena waxay Farmaajo ka dalbadeen inuu baneeyo Villa Soomaaliya.

Farmaajo ayaa loo awood sheegtay kaddib markii Ciidanka taageersan laga qabsaday degmooyin muhiim ah iyo Isgoysyo ku yaalla magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay garbihiisa baneeyeen Maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.