Qatar oo Ergay cusub u soo dirtay Soomaaliya, iyo Puntland oo u diiday deegaanadeeda (Sawirro)

Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al Qahtani ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, halkaasoo uu ku qaabilay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Liibaan Yuusuf Cusmaan.

Dr. Mutlaq al Qahtani ayaa la sheegay inuu ku soo jeedo Muqdisho, lana filayo inuu Beesha Caalamka la kulmo iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in Puntland iska diiday qaabilaada Ergaygan, kaddib markii ay Qatar ku eedeeysay inay sabab u tahay xaalada cakiran ee Siyaasadda Soomaalida, maadama ay dhaqaalo siinayay Farmaajo, si uu u burburiyo Hanaanka Federaalka Soomaaliya.