Farmaajo oo xiray Saraakiil iyo Ciidammo uu ka shakiyay

Villa Somalia ayaa xabsiga u taxaabtay Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda, kuwaas oo looga shakiyay inay u goosan doonaan Ciidanka diidan Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Saraakiisha la xiray ayaa waxaa kamid ah Cabdixakiin Saciid Ceel-Dheere oo ah Sarkaal Sare oo kamid ah Ciidanka Harmacad iyo ilaaladiisa, waxaana la sheegay in amarka lagu xiray uu bixiyay Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha Hay’adda NISA.

Ciidanka Dowladda ayaa u kala jabay labo garab, waxaana jira Saraakiil iyo Ciidammo cusub oo kasoo baxay garabka Farmaajo kuna biiray Ciidanka Badbaado Qaran. Sidoo kale Farmaajo ayaa wajahaya cabsi fara badan.

Idil Television