Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo la Kulmay iyo Ururada Siyaasadda (Sawirro)

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Ka dhagaystay Ururada Siyaasadda Puntland fikradahooda ku aadan Habraacyada kala ah
1-Hab-raaca ka qaybgalka guud ee doorashooyinka iyo 2-Hab-raaca korjoogtaynta doorashada oo horay loogu soo bandhigay Ururadda balse ay codsadeen in la siiyo wakhti ay kuso akhristaan.

Sidoo kale waxay Ururaddu saxiixeen Habraaca Anshaxa Ururadda Siyaasadda ee diiwaangelinta codbixiyayaasha oo horay loogu wadaagay.

Ugu danbeyn waxaa kulanka soo xiray Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre oo Ururadda kula dardaarmay in loo diyaargaroobo doorkooda ay ka qaataan diiwaangelinta codbixiyayaasha oo bacda ciid bilaami doonta.