Mareykanka oo kordhiyay tirada Qaxootiga uu qaadanayo

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta sheegay in tirada qaxootiga Marekanka uu soo qaadanayo la gaarsiiyay 62,500, ka dib labo toddobaad ka hor markii uu sheegay in tirada qaxootiga la soo qaadanayo sannadkii uu ku heyn doono 15,000 ee uu dejiyay madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Jamhuuriga, Donald Trump. Go’aanka waxa beddelay markii uu Biden mowjado dhaleeceyn ah kala kulmay taageerayaashiisa iyo Dimuqraadi.

Qoraalka uu hadda saxiixay ee lixdan iyo labo kun iyo shanta boqol ah ayaa loo qeybiyay 22,000 oo barokacayaal ah oo ka imanaya Afrika, 6,000 oo ka iman doona Bariga Aasiya, 4,000 oo ka iman doona Yurub iyo Badhtamaha Aasiya, 5,000 oo ka iman doonta Latin America iyo Kariibiyaanka, iyo 13,000 oo ka iman doona Koonfurta Aasiya. 12,500 oo qonde madax bannaan ah ayaa sidoo kale sannadkii la heli doonaa.