Sucuudiga oo soo celiyay Markab sida xoolo badan

Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa Dekedda magaalada Jeddah ka celisay Markab xamuul ah oo siday xoolo nool, kaas oo kasoo shiraacday dalka Sudan.

Markabka oo lagu magacaabo MV Mabrouka sidday 7,228 neef oo ido ah iyo 114 neef oo Geel ah, ayaa dib ugu laaabtay Dekedda Port Sudan ee dalka Sudan, sida at Warsaw warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee dalka Sacuudiga oo qoraal soo saartay, ayaa sheegtay inay Xoolahaasi ka heleen xanuunka qandhada ee Rift Vlley Fever, kadib, markii muunad dhiig oo laga qaaday lagu baaray Shaybaarka.

Idil Television