Akhriso: Amiirka Qatar oo fariin adag u soo diray Farmaajo, una sheegay inay joojiyeen taageeridiisii

Ergeyga gaarka ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada dalka Qatar Mutlaq Al Qahtani ayaa fariin qoraal oo uu ka sidey Amirka Labaad ee Qatar Sheekh Tamim bin Xamad u gudbiyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynah muddo xileedkiisu uu dhamaaday.

Wakaaladda Wararka ee dowladda Qatar ayaa sheegtay in fariinta ay ku saabsanayd sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka, loona sii wadi kari lahaa.

“Waxaa intaa dheer, arrimaha siyaasadeed ee dhowaan ka soo kordhay Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in lagu guuleysto dib u heshiisiin qaran si loo garto xasilinta dalka”.ayaa lagu yiri qoraalka ay daabacday Qatar News Agency.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in farinta gacanta laga saaray Farmaajo kadib markii ay kulmeen ergeyga gaarka ah ee Al Qahtani.

Ilo-wareedyo ayaa intaas ku daraya in fariinta Amiirka Qatar ee la gaarsiiyay Farmaajo ay kamid aheyd in Qatar aysan sii wadi doonin taageerada ay siiso, loona baahan yahay inuu baneeyo fogaaraha.

Qatar ayaa aheyd garabka ugu weyn ee Farmaajo 4 sanno ee lasoo dhaafay, waxaana ay siin jirtay taageero dhaqaale oo toos ah, taas oo loo adeegsan jiray la dagaalanka Dowlad Gobaleedyada, Farmaajo ayaana hada u muuqda inuu soo istaagay banaan cidlo ah.

Hase yeesheee dowlada Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda si rasmi ah u shaacin inay kulmeen Farmaajo iyo Qahtani.