Ergayga Mareykanku u magaacabay xiisada geeska Africa oo maanta bilaabay socdaalkiisa

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa u diraya Geeska Afrika Ergeygiisa Gaarka ah maanta oo Talaado ah, si loo dejiyo xiisada gobolka ka taagan.

Qoraal uu soo saaray Xoghaye Blinken ayuu ku sheegey in Jeffrey Feltman uu booqan doono dalalka Masar, Eretria, Ethiopia iyo Sudan tan iyo 13-ka bishan May.

Antony Blinken & Jeffrey Feltman.

Ergeyga Gaarka ah ayaa la kulmi doona masuuliyiinta dowladaha waddamadan, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa saamileyda siyaasadeed ee dalalkan iyo kooxaha arrimaha bani’aadanimada ka shaqeeya.

Qoraalka uu soo saarey Xoghaye Blinken ayaa lagu sheegay in safarka Jeffrey Feltman ay hoosta ka xariiqeyso sida maamulka Mareykanka ay uga go’an tahay in ay hoggaamiyaan dadaallo diblomaasiyadeed oo wax looga qabanayo xasaradaha isku xiran ee siyaasada, amniga iyo bani’aadanimada ee ka taagan Geeska Afrika, waxaana lagu xusay qoraalkaan in Ergeygan Gaarka ah uu xiririin doono siyaasadda Mareykanka ee gobolka si loo gaaro yoolkaas.

Mareykanka ayaa ku cadaadinaayey Ethiopia in ay soo afjarto colaadda gobolka Tigray oo soctay mudo lix bilood ah, waxaa kale saraakiisha Mareykanka ugu baaqeen Eretria in ay ciidamadeeda kala baxdo gobolkaas.