Laftagareen oo dib ugu laabtay Baydhabo, kaddib la kulankii Muqdisho ee Al-Qahtani!

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo safar hal maalin qaatay shalay ku tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulkiisa.

Laftagareen ayaa la sheegay inuu Muqdisho u tagay la kulanka Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani, kaas oo ugu yeeray magaalada Muqdisho, si uu kulan ula yeesho.

Dadka odorasa arrimaha siyaasadda ayaa talaabada Laftagareen loogu yeeray Muqdisho ku tilmaamay bahdil siyaasadeed iyo in hoos loo dhigay maqaamkiisii, iyadoo loo sababeeyay in uusan laheyn saameyn siyaasadeed iyo aragti lagu tixgalinayo.

Talaabadan loogu yeeray Muqdisho Laftagareen ayaa imaanaysa xilli Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay iska diideen in Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani, uu tago magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, si uu kulan ula yeesho.

Idilnews