Maxaa ka jira inuu Axmed Madoobe diiday qaabilaada Wafti ka socda Qatar ee Al-Qahtani ?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ku gacan seyray inuu la kulmo Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani, kaddib dalab ay Madaxtooyadda Jubbaland uga yimid Safaaradda Qatar ee Muqdisho.

Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa Idilnews u xaqiijiyay in Madaxtooyadda Jubbaland ay iska diday inuu Kismaayo tago Dr. Mutlaq Al-Qahtani iyo Wafti uu hoggaaminayo, sidoo kale Jubbaland ayaa diiday wada-hadal dhanka ZOOM-ta ah oo ay yeeshaan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Al-Qahtani.

Talaabada Jubbaland ayaa imaanaysa xilli Waftiga Qatar ee uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani, ay waji gabax kala kulmeen dalab ay u gudbisteen Madaxweynaha Puntland oo ahaa inay ugu yimaadaan Garoowe ama uu kula kulmo aalada ZOOM-ta.

 Dr. Multaq Al-Qahtani, oo ku sugan Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, Madaxweynahaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-garee iyo Midowga Musharixiinta.