Nin hubeysan oo isku dayay inuu galo xarunta CIA-da oo la toogtay

Nin hubeysnaa ayay saraakiil ka tirsan hay’adda FBI-da Mareykanku toogteen kaddib markii ay saacado isku horfadhiyeen albaabka laga galo xarunta CIA-da, sida ay sheegtey hay’adda dambi barista Mareykanka.

Ninkan oo aan la aqoonsan wali ayaa laga hor istaagay inuu gaari ku dhaafo albaabka xarunta CIA-da oo ku taala bannaanka Washington DC isniintii shaley. Saraakiisha ammaanka xarunta ayaa sheegey in ay isku dayayeen in ay la xaajoodaan ninkan si uu isku soo dhiibo dhowr saacadood.

Qoraal ay soo saartay hay’adda FBI-da ayaa lagu sheegey in nin watay gaari oo hubna u saarnaa uu soo abbaaray saraakiishii ammaanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in la dhaawacay ninkan, loona qaaday isbitaal si loo daweeyo.

Goor hore oo shalay ah ayaa afhayeenka CIA-du waxa uu sheegey in ay la socdeen xaaladda ka taagneyd bannaanka xarunta oo ah goob ammaankeeda si weyn loo xakameeyo, dhowr boqol oo mitirna u jirta dhismaha weyn ee xafiisyada hay’adda ku yaallaan.

Amaanka xaruntan ayaa aad loo adkeeyey sanadihii dhawaa, xaruntan oo ku taala xaafada Langley ee gobolka Virginia ayaa waxaa ku dhow wado aad u mashquul badan

Dhacdadan ayaa waxa ay dad badan xasuusineysaa mar uu sanadkii 1993 nin u dhashey dalka Pakistan oo lagu magcaabijiray Aimal Kansi uu toogasho ku dilay laba ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda CIA-da halka uu sedex kalena dhaawacay xilli ay baabuurtooda ku jireen, ayna sugayeen in ay ku leexdaan xarunta hay’adda.

VOA