Ra’iisul Wasaare Rooble oo u socdaalaya Boqortooyadda Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa ku wajahan Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, si uu ugu soo Cumreysto Xaramka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay Sucuudiga la kulmi doono Boqorka Sacuudi Carabiya, iyagoo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka Labada dhinac.

Idil Television