VIDEO: Jubbaland oo ku dhawaaqday go’aankeeda ku aadan Shirka Rooble iclaamiyay

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in ay ka qeyb gali doonaan shirka uu iclaamiyay Raysal wasaaraha Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Rooble, kaas oo uu 20-ka bisha isugu yeedhay madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banadir.

Madaxwayna ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid, oo wareysi siinayay BBC ayaa ku baaqay in la isu tanaasulo islamarkana danta shacabka Soomaaliyeed la eego isla markaana raii’sal wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa.

Puntland weli kama hadlin gogosha Rooble dhigey, waxayse mar sii horrayaay sheegtey in aysan Xamar tegeyn ilaa Beesha Caalamka casunto.