Cumar Cabdirashiid oo ku baaqay isbedel lagu sameeyo Hoggaanka Ciidanka Dowladda

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay in kala qeybsanaanta Ciidanka Dowladda ay wiiqi karto wada-hadlada socda ee Doorashooyinka Dalka.

Cumar Cabdirashiid oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa xusay in loo baahan yahay in Ra’iisul Wasaaraha la siiyo jawi degan si uu ugu guuleysto wada xaajoodyada iyo maareynta Geedi-socodka Doorashooyinka, waxaana uu intaas ku daray in lagama maarmaan ay tahay isbedel deg-deg ah oo hoggaanka Ciidanka ah si loo mideeyo.

“Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Ciidamada Amniga ayaa wiiqi karta wadahadallada socda ee doorashada. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu mudan yahay jawi deggan si uu ugu guuleysto wadaxaajoodyadda loona maareeyo geeddisocodka doorashooyinka. xaaladdaan ayaa si deg deg ah loogu baahan yahay dib u habeyn hoggaanka hay’adaha amniga ah si loo mideeyo loona tayeeyo ciidamada” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid

Idil Television