Fiqi “Waa in xilalka laga qaado Taliyayaasha Ciidanka DFS, Farmaajana uu Amniga guud ee dalka wareejiyo” (VIDEO)

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in si xal looga gaaro xaalada cakiran ee Muqdisho iyo Ciidanka la wareegay qeybo kamid ah Magaalada loo baahan yahay in xilka laga qaado Taliyayaasha Ciidanka ee sida khaldan loo soo adeegsaday, sidoo kalena Farmaajo uu si dhameystiran ugu wareejiyo Amniga Guud ee Dalka Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in hadii aan la qaadin talaabooyinkaas aan xal laga gaari doonin xiisada, ayna Ciidammadu ku sii sugnaan doonaan aagaga at Xoogga kula wareegeen.