Madaxweyne Qoorqoor “Dhuusamareeb qarka waxay u saaran tahay inay la wareegaan Al-Shabaab”

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, oo Muqdisho kulan kula yeeshay Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayaa ka dayriyay xaalada ammaan ee deegaanada Maamulkaas.

Qoorqoor ayaa sheegay inay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ay qarka u saaran tahay inay la wareegto Kooxda Al-Shabaab, oo dhowaanahan isku fidinaysa deegaanada ku dhow Dhuusamareeb.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa u sheegay Odayaasha in Farmaajo uu saaray Ciidanka Dowladda Federaalka difaacyadii ay isku horfadhiyeen Al-Shabaab ee ku yaallay deegaanada Galmudug, sidoo kalena Muqdisho u soo rartay Ciidankii Haramcad ee ka howlgali jiray gudaha Dhuusamareeb iyo hareeraheeda.

Odayaasha dhaqanka ayaa kulanka intii uu socda Qoorqoor u jeediyay eedeymo la xariira inuu dayacay deegaanada Galmudug, uuna waqtigiisii ku lumiyay u olaleynta Farmaajo, waxaana ay tilmaameen in sidii Reer Galmudug u soo dhaweeyeen, iyadoo loo dooray uusan ugu hagar bixin hormarkooda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay hoobiyayaal ku garaacaysay gudaha Magaalada Dhuusamareeb iyo garoonka diyaaradaha, waxaana bishii Febaraayo xilli ay ku sugnaayeen Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada ay gudaha magaalada ku dhufatay illaa 8 Madfac.