Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Wakiillada Beesha Caalamka (Sawirro)

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula yeeshay teenadhada Afisiyooni wakiilo katirsan beesha Caalamka.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyey ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeesho wakiilada beesha caalamka tan iyo markii uu la wareegay howlaha doorashooyinka dalka ayaa loogaga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka,arrimaha doorashooyinka iyo Amniga dalka.

Sidoo kale kulankan ayaa la iskula soo qaaday kulanka uu dhowaan ugu baaqay Madaxda Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir inay isugu yimaadaan 20ka bishan magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa ka codsaday wakiilada beesha caalamka inay garab ku siiyaan sidii ugu guuleysan lahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Beesha Caalamka ayaana Ra’isul Wasaare Rooble u ballan qaaday in ay gacan ka geesan doonaan qabsoomida shirka uu iclaamiyay 20-ka bishan in la isugu yimaado Muqdisho iyo sidii isku soo dhawaansho loo gaari lahaa.