Roobab xooggan oo ka da’ay deegaanada Puntland oo waxyeeleeyay buundooyin muhiim ah (Sawirro)

Roobab ma hiigaan oo ka da’ayay guud ahaan deegaanada Puntland, gaar ahaan goboladda Bari iyo Karkaar 2 maalmood ee la soo dhaafay ayaa hakiyay isu-socodka gaadiidka u kala goosha magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, ka dib markii ay waxyeelo soo gaartay buundooyin ku yaala deegaanka Qayaadsame.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka karkaar, ayaa markiina ka hawl-gallay, waxaana ciidamada amaanka ay joojiyeen xiliyadda habeenkii ah socodka baabuurta si loo ilaaliyo bad-qabka muwaadiniinta iyo hantidooda.

Wasiirka hawl-laha guud ee dawlada puntland, Axmed Bashiir Muuse, wasiirka tamarta, macadanta iyo biyaha Axmed Taaraan, wasiir ku xigeenka maaliyadda Cumar Fiqi, gudoomiye ku xigeenka gobolka karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir, taliyaha qaybta gobolka karkaar, G/sare Faarax Nuur Maxamed, taliyaha ciidanka madaxtooyada gobolka karkaar Cabdifataax Warsame Hiirad, xisaabiyaha wasaarada maaliyada gobolka Yasiin Cabdi Boos, duqa degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan, duqa degmada waaciye, Isxaaq Axmed Xasan, iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer shaqo ku taggau buundada waxyeeladu soo gaartay.

Waxa sidoo kale k a hawl-galeen sidii daraasad loogu samayn lahaa, waxyeelada buundooyinka soo gaartay, iyo sidiii loo abuuri lahaa wadooyin cusub oo gaadiidku adeegsadaan, si dadka shacabka ah loogu fudaydiyo in ay safarkooda sii wataan.

Taliyaha qaybta gobolka karkaar G/Sare Faarax Nuur Maxamed iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir ayaa warbaahinta la hadlay, waxayna sheegeen in dawladu ay waddo dadaal lagu samaynayo waddo cusub si loo hagaajiyo buundada waxyeeladu gaartay.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland, Axmed Bashiir Muuse ayaa dhankiisa fariin u diray gaadiidayadda wadadaan isticmaala, isagga oo faray in si tartiib ah loo maro wadooyinka xiligga roobka.