Rooble, QoorQoor, Guudlaawe iyo Midowga Musharixiinta oo kulan caawa yeeshay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Guudlaawe, Madaxweynayaashii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed iyo Hassan Sheikh Mohamud, Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire iyo xubno kale oo katirsan Midowga Musharixiinta ayaa caawa kulan ku yeeshay Muqdisho.

Kulanka oo ahaa Afur uu ku casuumay Masuuliyiinta Madaxweynaha Hirshabelle ayaa diirada lagu saaray amniga iyo xasilinta Magaalada Caasimada ee Muqdisho, sidoo kale Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay qabsoomida Doorashoooyin la isla ogolyahay oo si nabdoon ku dhaca.