Sawirro: Isku socod gaadiidka Boosaaso iyo Gobalada kale ee Puntland oo hakad ku yimid

Taliska Qaybta Booliska Gobalka Bari ayaa shacabka digniin uga diray inaysan naftooda ku haligin daadadka markale ku soo rogmaday Togaga mara Carmo iyo Ceeldaahir ee Gobalka Bari.

Gaadiid sida dadweyne kala duwan ayaa ku xaniban aagaga deegaanada maadama ay badan yihiin Biyaha qul-qulaya togagaasi.

Sidoo kale, Kantaroolada ku yaalla deegaanada ay dadku ku Taliban yihiin ayaa lagu amray inay soo dhaweeyaan Dadka Shacabka ah, sidoo kalena ay goobo wanaagsan geeyaan dadka, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta.