Sheekh Shariif “Waa in Ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha ah aan marna la Siyaasadeyn”

Madaxweynihii hore ee Dalka ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed, ayaa soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Ciidanka gadoodsan ee ku sugan gudaha Muqdisho.

Hoos ka Akhriso qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Shariif Sheekh Axmed.

Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhinta, anigoo codkayga ku biirinaya in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii”.

Waxaan kaloo bogaadinayaa dadaalada Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-Gaarsiinta, iyadoo aan ka rajeyneyno in heshiis laga gaaro doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

Waxaan ku celinaynaa markale in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul.

Waxaan u mahad celinayaa guddiyadii kasoo shaqeeyey heshiiska iyo saraakiishii badbaadiyay dalka, maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe, iyo sidoo kalena saaxiibada caalamka ee waqtiga ku bixiyay in lagu laabto heshiiskii 17 September 2020.