VIDEO: Saddex Ruux oo ku geeryooday Qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Saddex Ruux ayaa ku geeryooday Qarax miino oo maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso waxaana ay la qaraxday gaari nooca loo yaaqaan SURF, waxaana Dadka ku dhintay la sheegay inay gaariga saarnaayeen, halka qof dumar ah wadada maraysay ay ku dhaawacantay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Feeraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka degmada Kaxda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana sameeyay baaritaano ku aadan qaraxa, iyagoona halkaas ka qaaday Meydadka dadka dhintay.