Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal ka qarxay duleed Beledweyne

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan aya sheegaya in saaka uu ka qarxay duleedka Galbeed ee magaalada Beledweyne dagaal u dhexeeya beelo halkaas wada dega.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo dagaalka uu ku soo fidey xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul ay isku qabsadeen labadaan maleeshiyo beeleed, ee dagaalku dhex maray.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystey in ciidamo Milatari ah ayaa geeyaan halka dagaalku uu ka bilowday oo lagu magacaabo Beledunuur iyadoo ay ciidamadu kala dhex galeen maleeshiyaadka dagaalamayay,waxaana joogsaday dagaalka.