20 Musharrax oo ku tartamaya doorashada Duqa magaalada London

Magaalada London waxaa saaka loo dareeray doorashooyinka golaha deegaanka iyo Duqa magaalada, waxaana codbixintaas ka qeybgalaya ugu yaraan lix milyan oo reer London ah.

Ugu yaraan 20 musharrax ayaa u tartamaya Duqa magaalada London, waxaana la filayaa in ku dhawaaqista natiijada doorashadan ay dib ugu dhacdo ilaa maalinta Axadda ah.

Dorashada waxaa ugu cad-cad Sadiq Khan oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa Duqa London, isla markaana raadinaya in dib loo doorto iyo Shaun Bailey oo ka tirsan Xisbiga Tory ee Ra’isul Wasaare Boriso Johanson, waxaana saadaasha horudhaca ah ay sheegeysaa inay dhici karto in wareeg labaad la isla aado, maadaama la filayo in tirada codadka ee labada xisbi isku dhawaan doonto.

Sadiq Khan ayaa la doortan sanadkii 2016, isagoo helay 57% tirada guud codadka wareegga labaad, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Duqa magaaladda London.