Akhriso: Kenya oo war kasoo saartay soo celinta xiriirka dublamaasiyadeed ee Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa ka hadashay soo celinta xiriirka diblumaasi ee labada dal Kenya iyo Soomaaliya oo ay dowlada Soomaaliya ku dhawaaqday maanta.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid horumar ah ayna diyaar u tahay inay sii waddo xiriirka caadiga ah ee mas’uuliyiinta Soomaalida oo ay ka mid yihiin arrimaha ganacsiga, isgaarsiinta, gaadiidka, xiriirka dadka iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Dowlada Kenya ayaa uga mahadcelisay dowlada Qatar dadaalka ay u gashay in xiriirka labada dal uu dib u soo laabto.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qireysaa taageerada joogtada ah ee ay ka heshay beesha caalamka, gaar ahaanna dowladda Qadar, dadaallada lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay soo saartay maanta wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya.