Amiirka Qatar oo soo dhaweeyay soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Sheikh Tamim oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Kenyatta go’aanka xigmadda iyo geesinimada leh ee ay ku soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan si dhab ah ugu rajeynaynaa labada dal ee deriska ah iyo dadkooda nabadgelyo iyo xasilooni, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Tamim ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.