Madaxtooyada Puntland oo shaacisay in Madaxweyne Deni u baxay safar gaar ah

Madaxtooyada Puntland oo qoraal kooban u baahisay goor-dhaweyd ayaa sheegtay in Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni uu safar gaar ah ku aaday Dalka Itoobiya.

Idilnews ayaa ogaatay in Madaxweyne Deni oo caawa ku sugan Magaalada Addis Ababa uu la kulmayo Madaxda dalka Itoobiya, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka Puntland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Itoobiya uga sii gudbaya Dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda Imaaraadka iyo Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa Dekedda Boosaaso.

Idil Television