Madaxweynaha Kenya oo qaabilay Ergaygii Qatar ee maalmaha joogay Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ee la-dagaallanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta xallinta khilaafaadka Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, oo gaaray magaalada Nairobi.

Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa Madaxweynaha Kenya gaarsiiyay dhambaal qaas ah oo uu ka siday amiirka dowlada Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Dr. Mutlaq Al-Qahtani, oo maalmo ku sugnaa Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxda iyo Siyaasiyiinta Soomaalida, marka laga soo tago Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo iska diiday, waxaana uu kala hadlay xalinta khilaafka ka taagan doorashooyinka, Sidoo kale Mohamed Abdullahi Farmaajo ayuu gaarsiiyay dhambaal uu uga waday Amiirka Qatar oo ay ku cadeyd inay joojiyeen taageeradii ay khaaska u siin jireen.

Sidoo kale, Al-Qahtani, ayaa kulankii uu la yeeshay midowga musharixiinta u sheegay in uu danaynayo xal u helidda khilaafka Kenya iyo Soomaaliya iyo inuu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya si uu u guddoonsiiyo fariin gaar ah uu ka sido Amiirka dalkiisa.

Idil Television