Madaxweynaha Puntland oo u duulay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka carabta

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa u amba baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga sii gudbi doono dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Deni oo ayaa magaalada AddisAbaba, kulamo kula yeelan doona Madaxda dalka Itoobiya, gaar ahaan Ra’iisulWasaare Abiy Ahmed, sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Madaxtooyadda.

Xubno kamid ah Xukuumadda Puntland ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweyne Deni uu Imaaraadka Carabta u aaday arrimo isugu jira shaqo iyo Caafimaad, waxaana uu kulan kula yeelan doonaa Dubai Madaxda Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Boosaaso, oo marar badan ay baaqdeen kulamo ay yeelan lahaayeen.

Madaxweynaha ayaa intii uusan ka amba bixin magaalada Garoowe kulan kula yeeshay Madaxtooyadda Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland Guy Griffin, kaas oo ay ka wada-hadleen arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay Madaxtooyadda Puntland State House.

Socdaalka Madaxweyne Said Abdullahi Den, ayaa kusoo aadaya xilli habeen kahor uu Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Mohamed Hussein Roble uu iclaamiyay 20 bishan May, Shir u dhexeeya Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas lagu dhameystirayo heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September. wallow aysan Puntland illaa hada cadeyn mowqifkeeda shirkaas iyo in ay tagi doonto.

Idilnews